Mas’uuliyiin kala derajo duwan oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kormeer wadajir ah ku sameeyay degmooyin katirsan Gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa xiga duleedka Magaalada Muqdisho.
Ujeedka kormeerkoodu waxa uu ahaa u kuurgalidda Amniga Degmooyinkaan, sida ay uga howlgalayaan Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka iyo Isbaddelka ka muuqda tan iyo markii ciidan gaar ah loo dhiibay nabadgalyada Caasimadda.
Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Amniga XFS Maxamed Cali Xagaa ayaa dhiirrageliyay Ciidamada amniga Muqdisho gacanta ku haya, waxa uu saraakiisha hoggaanka u ah ciidankaas u sheegay in lagu bogaadinayo howlgalladaas ay wadaan.
“Waan ku faraxsanahay in aan idinla kulano, waxa aad gacanta ku heysaan amniga Mustaqbal ummadda, askariga waa badbaadiyaha Shacabka oo waxa aad habeen iyo maalin u taagan tihiin in aad badbaadisaan Dadkiina & Dalkiina, wajiga koowaad waad ku guuleysateen waxaana rajeyneynaa in inta dhiman aad heysaan, Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha ayaa idin soo booqon doonna waxa aan idinku imaanay in aan idin garab istaagno” Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Amniga XFS.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa dhankiisa sheegay in Ciidanka lagu soo tababaray Uganda ee ah Booliiska sida Militariga u tababaran in si wanaagsan ay ula dhaqmeen Dadka rayidka ah.
Joogteynta howlgallada ay kawadaan Muqdisho ciidankaas ayuu tilmaamay in meesha ka saareen kooxaha burcadda ah ee Dadka ka furta telefoonnada & hantida kale ay wataan sidaas awgeed waxa laga sugayo uu yahay xoojinta howlgalladaas.
“Qalbiga furan & Gacmo furan ayaan idinku soo dhaweyneenaa, 24 saac waxaa loo taagan yahay in kalsooni aan ka kasbano shacabkeenna oo aan ku heli karno marka ay arkaan wanaaggeena, dhimrinteenna & u shaqeynteeda, waxa aad meesha ka saarteen kooxihii burcadda ahaa ee dadka soomaaliyeed dhibka ku hayay Naftooda & Maalkooda” ayuu yiri duqa Muqdisho.



