Saraakiil sar sare oo tiradooda lagu sheegay laba ruux ayaa la soo sheegayaa in mudo laba asbuuc ah ay u xiran yihiin Maamulka Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya,waxaana war ka soo saaray madax ONLF ka tirsan.
Labada nin oo magacyadooda lagu kala sheegay Ayaanle Yaasiin Budul iyo Bashiir Cusmaan Budul ayaa laga kaxaystay Gobolka Nogob waxaana ay gacanta maamulka ku jiraan laba asbuuc.
Warbixintaan oo lagu shaaciyay Adis-stander ayaa sidoo kale lagu sheegay in masuuliyiin ONLF ka tirsan ay war ka soo saareen islamarkana ku eedeeyeen Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Cagjar inuu wado ol-ole uu ku colaadinaayo ONLF.
Waxaa xusid mudan in Ayaanle Yaasiin Budul uu yahay Gudoomiyaha Gobolka Nogob halka sarkaalka kale ee Bashiir Cusmaan Budul uu isna yahay Madaxa Degmada Ceel-weyne.
Masuuliyiinta ONLF ee xarigaan ka hadlay waxay sheegeen in sifo sharci daro ah loo marin xariga saraakiishaasi oo aan wax danbi ah cidna ka gelin sida ay sheegeen.
Sidoo kale ONLF waxay ku eedeysay ciidamada Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya inay jabiyeen xafiis ay ku leeyihiin Gobolka Nogob islamarkaana dhibaateeyeen xubnihii ku sugnaa.
Dhanka kale masuuliyiinta Dowlada deegaanka wali war ah kama soo saarin jiritaanka xariga saraakiisha ONLF iyo eeda loo jeediyay intaba.
XAFIISKA WARARA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
