GAROWE (DAYNIILE.COM)-Kulan gaar ah ayay Magaalada Garowe ku yeesheen siyaasiyiinta Gobolka Mudug ee ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug kuwaasoo lagu wada qeybgaleen xafladii caleema saarka Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Danni.

Isu imaadka ayaa ka danbeeyay kadib qado sharaf ay sameeyeen shalay Masuuliyiinta Puntland ee gobalka Mudug oo uu Hogaaminayo Gudoomiye Ku xigeenka 2-aad ee Barlamaanka Puntland.

Advertisement

Kulankaan oo ay fadhiyeen wasiiro, xildhibaano, goddoomiyaasha gobalka Mudug, maayirada Magaalada Galkacyo, saraakiisha hay’adaha amniga ee dhanka Puntland iyo Galmudug ayaa looga hadlay iskaashiga dhanka Amniga ee labada maamul.

Sidoo kale waxaa isku imaadkaan looga hadlay  isku xirka bulshada gobalka Mudug iyo dib u heshiisiinta Bulshada gobalka Mudug.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleErgeyga Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo la soo magacaabay
Next articleNin la dhashay Haweeneydii Xamar lagu gubay oo ka hadlay dhacdada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here