LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)- Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya George Conway ayaa la sheegay inuu ku wajahan yahay Magaalada Laas-aanood ee Xarunta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari halkaasoo uu uga bilaaban doono booqasho shaqo.George Conway ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Hogaamiyaha Waqooyi Bari C/qaadir Aw Cali Firdhiye isagoona kala hadli doona arimo ay ka mid yihiin howlaha gargaarka bani’aadannimo, xoojinta isku-duwidda hay’adaha & mashaariicda horumarineed.
Safarka Masuulkaani wuxuu ku soo aadayaa xili dhulka Waqooyi Bari ay ku yar yihiin hey’adaha gargaarka caalamiga ah sida kuwa hoos taga Qaramada Midooobe,sidoo kale socdaalka George Conway wuxuu ku soo aadayaa xili sidoo kale xildhibaanada Maamulkaasi qaarkood ku eedeeyeen Dowlada Somalia inay ka gaabisay inay Waqooyi Bari ku darto mashaariicda iyaga la soo marsiiyo oo ay laaiin siiyaan kaliya maamulada kale.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
