NEWS YORK (DAYNIILE.COM)-War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobe ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee Somalia gaar ahaan fashilkii dhawaan ku yimid wada hadaladii u dhexeeyay Madaxda Dowlada Somalia iyo Mucaaradka Golaha Mustaqbalka.
Qoraalka Masuulkaani waxaa ugu horeyn lagu xusay inay la socdaan shirarkii ugu danbeeyay ee dhexnaray Dowlada iyo Mucaaradka si gaara ah fashilkii dhawaan ku yimid shirarkii ay Beesha Caalamku dhex dhexaadineysay.
Masuulkaan wuxuu soo jeediyay in mar kale dhinacyadu ku soo laabtaan miiska wada xaajoodka islamarkaana ay tahay in heshiis laga gaaro waxyaabaha la isku hayo sida doorashooyinka oo kale si loo qabto doorasho heshiis lagu wada yahay.
“Xasiloonida siyaaadeed iyo wada shaqeynta siyaasiyiinta Soomaalida ee labada dhinac ay muhiim u tahay amniga iyo horumarka Dalka Somalia” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Masuulka ugu sareeya Qaramada Midoobe,i
UN-ka wuxuu ka digayaa wax kasta oo dib u dhac ama dagaalo keeni kara in dhinacyadu ku dhaqaaqan,iyagoona adkeeyay in miiska wada xaajoodka lagu soo laabto si heshiis siyaasadeed loo gaaro.
Inkastoo Qaramada Midoobe horer uga hadashay,oo Midowga Yurub ka hadlay muran siyaasadeedka ka jira dalka hadana inuu soo hadlo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe waxay muujineysa cadaadiska xooggan ee lagu hayo Dowlada iyo mucaaradka si heshiis siyaasadeed loo gaaro gaar ahaan doorasho la isku raacsan yahay madaama uu dhamaaday muda xileedka Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Xassan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
