Askar ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku dishay xaaskii Agaasime Muxudiin Xasan Saabeey oo baxsad ka ah dowladda, kadib markii lagu soo eedeeyey musuq maasuq.

Ehellada gabadha la dilay ayaa maanta warbaahinta la hadlay waxayna sheegeen in gabadha oo suuqa adeeg u soo doonatay ay dardareen laba Cabdibile oo ciidanka dowladda ah.

Advertisement

Intaas kadib waxay sheegeen inay isku dayeen inay raadiyaan taliska ay ka tirsan yihiin ciidanka dilay gabadha, balse ay taas ku guul-dareysteen, waxayna farriin u direen dowladda.

Odayaasha u hadlay ehelka gabadha ay dileen ciidamada waxay sheegeen inay dareemayaan in shaatiga dowladnimada lagu dul-minayo, iyadoo Saabey Muqdisho laga eryaday, hadana xaaskiisii la dilay, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaan cabasho ka nahay dowladda, hadana ayada ayaan u cabaneynaa, dowladaan Alle ayaa nasiiyey aad ayaan u taageersanahay, shalay laba Cabdibile ayaa laamiga ku jiirtay gabar ilmo u heysay Muxudiin Xasan Jurus, waana ka dhaqaaqeen,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii warbaahinta la hadlay.

Previous articleAmar ay Shabaab kasoo saareen Muqdisho oo ka dhaqan galay Baydhabo
Next articleCroatia ayaa kor u qaaday Qiimaynta Awooda Baasaboorka Adduunka, No.1 cusub shan sano kadib Waxaa qoray croatiaweek Luulyo 19, 2023

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here