Waxaa maanta markii labaad baaqday kulanka guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaddib markii Xildhibaannada intooda badan la sheegay in ay ku maqan yihiin deegaan doorashadooda.

Sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan, Xildhibaannadii ugu badnaa ee Baarlamaanka Federaalka ayaa u safray deegaannada laga abaabulayo dagaallada ka dhanka ah ‘AS’ si ay kaalintooda uga qaataan howlgalladaas.

Advertisement

Fariin loo diray Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyay in kulankooda maanta uu baaqday maadaama mudaneyaasha jooga aanay buuxin Karin tirada kooramka uu ku furmi karo kulankooda sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Waa kulankii labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ka baaqdo todobaadkaan, sabtidii waxaa kooram la’aan u furmi waayay fadhiga guud ee Golahaan si ay Xildhibaannadu uga doodaan ajendaha la diyaariyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 19kii Agoosto 2023 waxa uu baaq u diray Xildhibaannada fasaxa ka dhammaaday si ay u gutaan waajibaadka shaqo ee loo dhaariyay.

Previous articleQoorqoor oo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug
Next articleCiidamada dowladda oo howlgal ku burburiyay Xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here