Golaha cusub ee wakiilada Somaliland oo xilka la wareegay laba bilood ka hor ayaa haatan galay fasax dhawr todobaad ah iyaga oo sharciyadii ay meel mariyeen kal fadhigoodii ugu horeeyay ay ka soo noqdeen dhaliilo loo jeediyay inay qaarkood sharciga iyo dastuurka baal mareen.

Xeerarka la sheegay in mudaneyaasha golaha wakiiladu ansixiyeen ee lagu eedaynayo sharci jabin ayaa kala ah, Wax ka bedelka Xeerka Shaqaalaha, Xeerka Shirkadaha Caymiska iyo Xeerka Qiimaynta derajada gobolada iyo degmooyinka.

sikastaba ha ahaate waxaa jira is qabqabsi hada ka bilaawday golaha wakiilada waxaa muuqata in isfahan dara xooga dhax taalo golaha gudoonkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here