Dalka Soomaliya waa Dalka ugu liita dhanka Cadaalada marka loo fiiriyo Aduunka waana Dal Cadaaladiisa markaa maamusha Siyaasada markaa Dalka ka jirta ama hogaanka markaa talada dalka haayo

Marka loo fiiriyo Cadaalada waxay qabataa oo kaliya Dadka tabarta yar ma qabato qofka masuulka ah waana tan keentay in Cadaalad shacabka u Raadsadaan Alshabaab

4 sano ee la soo dhaafay Dalka Soomaliya waxaa ka dhacay Danbiyo Badan oo aan wali helin Cadaalad kuwa ugu waa weyn waa

1 Weerarkii Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maalin Cad lagu weerarqy Hoogiisa halkaa oo lagu dilay 8 ka mid ah ilaaladiisa

2 Dhiibidii Muwaadan Soomaliyeed loo dhiibo dal shisheeyey

3 weerarkii Guriga Cabdiqeyb diid oo isagu ahaa Sanatar xasanad leh intaa kiis waxaada Cadaalada horay uma sii wadan Dacwooyinkaas madaama Danbiga wax ku lahayeen Hogaanka sare ee Dalka taana waa tan keentay in hoos loo dhigo

Markaad booqato Maxkamadaha Soomaliya waxaa arkeysaa Shacab badan oo Galal Dacwaa wato kuwaa oo ku dhax ooyaayo Goobtaasi kuwaa oo weysan cid ay Cadaalad u raadsadaan

Arinta ugu muhiimsan ee maanta oo Cadaalada u baahan waa Kiiska Ikraan Tahliil oo 26 Juun 2021 habeen 8 Fiidnimo Gurigeeda ka soo kaxeyeen Saraakiil ka tirsan Nabad sugida sida ku muuqatay kaamirooyinka Qarsoon

Ikraan Tahliil oo lagu ogaa Gacanta Nabad Sugida ayaa waxaa Nabad sugida ka soo yeeray in Gabartaa ay Dileen Alshabaab taa oo keentay in Alshabaabna iska fogeyaan Dilka Ikraan Tahliil

Kiiska ayaa ehelka Ikraan u Gudbiyeen Maxakamada Ciidanka Qalabka kuwaa oo ilaa iyo hadda kor u soo qaadi si dadka lagu Tuhmayo loo marsiiyo Cadaalada taana ma dhicin

Dacwada Ikraan Tahliil waxaa hor taagan Madaxweynaha Dalka taa oo keentay waaxda Cadaalada in ay hoos iska dhigto madaama sharciga Soomaliya qaban Qofka masuulka ah waxa uu qabto uu yahay Qofka tabarta Daran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here