HomeWarkiiMAXAA IS BADALAY: Abiy Axmed oo xarig jarka biya xireenka wabiga Niil...

MAXAA IS BADALAY: Abiy Axmed oo xarig jarka biya xireenka wabiga Niil ku casuumay Masar iyo Sudan

ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Ra’iisal-wasaaraha Dowlada Itoobiya Abiy Axmed oo maanta khudbad ka jeedinayay baarlamaanka dalkiisa ayaa shaaciyay inay soo ajareen dhismaha biya xireenkii ay ka wadeen wabiga Niil oo ay in mudo ahba isku hayeen Dowladaha dariskiisa ah ee Masar iyo Sudan.
 Abiy Axmed wuxuu sheegay inay ugu dambeyn ku guuleysteen dhismaha biya xireenka inkastoo uu sheegay in la isku dayay in laga ashilayo ama laga hor istaago,mana cadeyn cida isku dayday balse waxaa la rumeysan yahay inuu ka wado Dowladaha Masar iyo Sudan.
” si kasta oo la isugu dayey in la fashiliyo mashruucaasi haddana wuxuu noqday mid guulaystay oo ay Itoobiya ka gaartay dantii ay ka lahayd”ayuu yiri Abiy Axmed.
Sidoo kale wuxuu daboolka ka qaaday Abiy Ahmed in Wabiga Niil uusan dhibaato ku ahayn dalalka Masar iyo Sudan,wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay inuu xalada xarig jarka oo ay dhawaan qabanayaan ku casuumeen dalalka Masar iyo Sudan.
“Biya-xireenka aan sameynay khatar kuma aha dalalka Masar iyo Suudaan, balse waa faa’iido weyn oo u soo korodhay Gobolka iyo Afrika, dhawaan waxaan qabaneynaa munaasabada xarig jarka waxaana ku casuunay Masar iyo Sudan”ayuu yiri Abiy Axmed.
Inkastoo uu sheegay inaanu biya xireenku  khatar ku ahayn Masar iyo Sudan islamarkaana uu casuumay waxaan la ogeyn waxa is badalay madaama xiriirka Itoobiya iyo dalalkaasi uu u xumaaday dhismaha biya xireenkaasi madaama aysan casuumada wali aqbalin intaan ka war heyno.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -