HomeWarkiiMaxaa ka dhalan kara dhaqaale la'aanta hawlgalka AUSSOM

Maxaa ka dhalan kara dhaqaale la’aanta hawlgalka AUSSOM

=XIGASHO BBC SOMALI=Falanqeeyaasha ayaa ku kala aragti duwan arrintaan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan guddoomiyey shir muhiim ahaa oo looga hadlayey baahida degdegga ah ee dhaqaale ee howlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Shirkan waxaa si wadajir ah u martigeliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Dowladda UK, iyadoo ay kasoo qayb galeen saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya, muhiimkana u ah dedaalladan.

Ujeeddada ugu weyn ee shirkan ayaa ahayd in la helo ballanqaadyo dhaqaale oo xooggan si AUSSOM loogu suurogeliyo inay gudato waajibaadkeeda.

AUSSOM, oo hawlaheeda si rasmi ah u bilowday 1-dii Janaayo sanadkaan 2025-ka, ayaa loo arkaa in howlgalkeedu yahay muhiim loogu talagalay taageeridda ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, xasillinta dalka, iyo fududeynta wareejinta masuuliyadda amniga si tartiib loogu wareejiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doodaha shirka ayaa xoogga saartay baahida lagama maarmaanka ah ee loo qabo maalgelin joogto ah oo la heli karo, si looga hortago in dib looga laabto guulihii amni ee muhiimka ahaa ee Soomaaliya laga gaaray.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud cali Yuusuf ayaa jeediyey baaq mideysan oo taageero ah, isagoo xusay in haddii aysan jirin maalgelin ku filan, guulihii la gaaray ay halis galayaan.

Shirku wuxuu si cad u muujiyey in maalgelintu aysan ahayn oo keliya arrin miisaaniyadeed, balse ay tahay arrin tiir-dhexaad u ah ilaalinta shacabka, gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo, iyo suurtagalinta amni lagu dhisayo kala-guurka dalka iyo doorashooyinka soo socda.

Tallaabadaan ayaa lagu tilmaamay iskaashi iyo isla xisaabtan u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika, iyo deeq-bixiyeyaasha.

Shirka kadib dowladda Ingiriiska ayaa fasaxday lacag dhan 30 milyan si ay u taageerto ciidanka ammaanka Soomaaliya iyo saaxiibada Midowga Afrika ee dagaalka kula jira al-Shabaab.

Siddeed milyan oo ka mid ah lacagtaan oo la marinayo UNSOS oo ah xafiiska tagaeeridda howlgalka Midowga Afrika ayaa lagu taageeri doonaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Booliska.

Laba iyo labaatan-ka milyan ee kale ayaa aadi doonta AUSSOM si loogu qalabeeyo ciidanka Midowga Afrika, loona taageero kala-guurka amniga ee Soomaaliya.Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan guddoomiyey shir muhiim ahaa oo looga hadlayey baahida degdegga ah ee dhaqaale

Suurtagalnimada in la helo dhaqaaleHowlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa gacan ka siiya dowladda dagaalka al-Shabaab iyo xasilinta dalka.

Mar walba waxaa loo arkaa arrin biyo kama dhibcaan ah doorka amni ee ciidamada nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika ee AUSSOM, taasoo muujineysa in dhaqaalaha oo loo waayo ay keeni karto shaki dhanka mustaqbalka ah.

Falanqeeyaasha arrimahaan ayaa qaarkood qaba in haddii dhaqaalaha loo baahan yahay la waayo ay keeni karto arrintaas khatar amni iyo niyad jab ka dhasha mustaqbalka hawlgalka.

Barafasoor Liibaan Cabdullaahi Cigaal oo bare ka ahaa jaamacadda George Mason ee dalka Maraykanka, falanqeeyana arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya iyo caalamka, ayaa qaba in u helista dhaqaale ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ay tahay arrin muhiim ah oo haddii la’ waayana saameynteeda yeelan karta.

“Waxyaabo badan ayaa ku imaan kara xagga nabadgalyada, siyaasadda, doorashadii oo foodda nagu soo haysa iyo xilliga oo deyr ah oo roobab badan ay da’ayaan, marka ma is kaabi karaan haddii aan dhaqaalahaas loo helin” ayuu yiri Barafasoor Liibaan.

BBC-da ayaa waydiisay Barafasoor Liibaan in helista dhaqaalaha loo raadinayo howlgalka Midowga Afrika ay tahay arrin sahlan, Wuxuuna ku jawaabay “Inta ay hadda ku deeqday UK, maahane inta kale waxaa laga codsaday Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey, waxaana soo raaca dalalka Talyaaniga, Japan, Spain iyo Kuuriyada koofureed oo iyaguna ballan qaaday in ay intaas oo kale ay kaabaan” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Haddii dhaqaale la waayo howlgalku ma sii socon karaa?

Midowga Afrika ayaa dhiiro galiyay in dhaqaale loo helo ciidamadaan si aanu u wiiqmin amniga Soomaaliya.

Xigashada Sawirka,Aussom

Dadka arrimahan dersa ayaa qaba in haddii dedaallada socda ee qaaraanka loogu raadinayo Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ay guul dareystaan, aaney markiiba heshiiska ka bixi karin dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, maadaama doorkoodu uu yahay in ay difaacaan xukuumadda. Balse waxaa shaki laga muujinayaa hannaanka nabadgalyo ee dalka oo dadka qaar aaminsan yihiin in uu “haadaan ka dhici karo”.

Barafasoor Liibaan Cabdullaahi Cigaal, waxaa uu leeyahay “Waxaan u maleynayaa in ciidamada AUSSOM, markiiba aysan ka bixi karin heshiiskii ay la galeen Soomaaliya, waxaase mugdi galinaya dalka nabad galyo la’aanta imaan karta”.

Laakin aragtidaas mid ka duwan ayaa waxaa qaba Axmed Cabdullaahi Kaboole oo isaguna ka faallooda arrimaha ammaanka ee gobolka, wuxuuna yiri “Haddii dhaqaale la waayo ciidamadu ma sii joogi karaan, waa laga yaabaa in dalalka Kenya iyo Itoobiya oo dano ka leh Soomaaliya ay ciidamadoodu sii joogaan, laakin kuwa kale way ku adkaan doontaa”.

Falanqeeyaasha qaar ayaa iyaguna qaba in culeys la saari karo dalalka lacagaha ballan qaaday si ammaanka Soomaaliya aanu faraha uga bixin, taasoo rajo laga qabo in dhaqaalaha haddii aan la wada-helin xitaa la heli karo wax howlgalku ku sii socdo.

=XIGASHO BBC SOMALI=

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -