Puntland & berrito.

Kadib Fashilkii ku dhacay shirkii ugu dambeeyay Shirkii Teendhada Afasiyooni waxaa kala fogaaday beesha caaalmka iyo DFS, ee Waqtigeedu dhamaaday, Waxaana eeda fashilka dusha loo saaray DFs,

Puntland iyo Jubbaland ayaa dulqaad muujiyay ilaa daqiiqadihii ugu dambewyay iyagoo Teendhada joogay diyaarna u ahaay Wadahadal iyo is afgarad, balse DFs Dhanka kale ku Mashquulsanayd qaabkii ay u fashilin lahayd shirkaas una heli lahayd Muddo kororsi, taasoo aaqirkii ay ku dhaqaaqday iyadoo isku miidaamisay Qaadatayna go’aan war iska tuurnimo ah, Madaxda puntland iyo Jubbaland ayaa ku laabtay deegaanadooda,

berrito Waxaa loo balansan yahay in Madaxwaynaha puntland Siciid Deni hor tago baarlamaaka puntland u.a sharaxo Waxyaabihii fashiliyay shirkii Afasiyooni, Waxa uu Talada la gaarayo ka sugi doonaa baarlamaanka puntland oo isagana sida lafilayo ku dhawaaqi doono gooni isu taag Kmg ah, taasoo kadhigan talaabo labaad oo Dhaawacday Midnimada Jamhuuriyadii Soomaaliya, horay waxaa uga go’ay Soomalailand,

beeaha Caalamka Ayaan Cadaadis saari doonin puntland maadaama hal bil putland ufadhiday Muqdisho Waan Waan iyo heshiis raadis laakiin lagu gacan sayray, waxayna heli doontaa kaalmada beesha caalamka oo ka madax banaan DFS,

Dfs, ayaa waxaa Muqdisho uga furmay duufaan kacdoon oo kaga imaanaya siyaasiyiinta & oday dhaqameedka reer muqdisho iyo waliba qaybo badan oo bulshada ah, Waxaana kusoo biiray Saraakiil katirsan Ciidamada, dagaal walba oo ka dhaca caasimadda waxa uu wiiqayaa Sumcadda DFS,

Xalka kaliya ee furan ayaa waxa uu yahay in uu ku dhaqaaqo Madaxwayne farmaajo in uu is casilo taladana ku wareejiyo Madaxa Xukuumadda sidii uu sameeyay Cabdullaahi yuusuf, Kadib la isugu yimaado Wadahadal cusub iyo Heshiis doorasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here