Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dowlada Imaaraadku Carabtu markaan ku dhagan yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi kaasoo dhawaan Aqalka sare ee Somalia ka sheegay in diyaarado ka baxa Boosaaso ay agab u qaadaan Dalka Sudan balse uusan cadeyn karin taasoo loo fahmay inay hub u geeyaan mucaaradka Sudan ee Imaaraadku taagero.
Madaxweynaha Somalia oo ay Imaaraadku xiriir fiican la leyiihiin ayaa hada la sheegayaa inay ku cadaadinayaan sidii xilka looga qaadi lahaa Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Macalin Fiqi iyadoo aan la ogeyn sida madaxweynuhu ku aqbali doono madaama ay saaxiibo dhaw yihiin Wasiir Fiqi.
Wasiirka inkastoo uusan toos uga hadlin hadana wuu sarbeebay in waxa ka socda Boosaaso ay yihiin duulaan looga qaadayo Somalia Dalka walaalaheena ah ee Sudan inkastoo cadow ka koreya uusan culeys ku heyn.
Wasiir Fiqi oo xisbiga Madaxweynaha ka tirsan sidoo kale uu aad ugu kalsoon yahay ma sahlana in Madaxwyene Xasan uu ka tago laakiin waxaa dhici karta in sidii Wasiir Jaamac xilka loo badalo marki Dowlada Turkey Madaxweyne Xasan ku cadaadisay inay xilka ka qaadaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
