GARBAHAAREEY (DAYNIILE.COM)-Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada Somalia ee ka howlgala Gobolka Gedo ay ka cabanayaan mushaar la’aan iyo cuna la’aan, si gaar ah kuwa Caasimada Gedo ee Garbahaareey ka howlgala.
Ciidamada Nabad suigida Somalia ee ku sugan Garbahaareey ayaa la soo sheegayaa inay sameeyeen gadood ay ku muujinayaan inaysan mushaar qaadan mudo laba bilood ah xili sidaas oo kale kuwa degmooyinka kalana la soo sheegayo inay la qabaan.
Ciidamada waxay dalbanayaan in mushaarkooda la siiyo walow aysan wali jirin wax masuuliyiin ah ama xitaa saraakiisha ca bashada qabta oo inta warbaahinta hor tagay sheeganaya cabasho mushaar la’aan ah.
Gobolka Geddo waxaa ku xifaaltama laba ciidan oo kala taageersan Dowlada Somalia iyo Maamulka Jubaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe,kuwaasoo meelaha qaarna iskula sugan halka Degmooyinka qaarna ay kala joogaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
