HomeWarkiiMaxaa ka jira in ciidamo ka tirsan Dawaariishta Puntland ay u goosteen...

Maxaa ka jira in ciidamo ka tirsan Dawaariishta Puntland ay u goosteen dhanka Dowlada Somalia

Wararka laga helayo deegaanada Puntland ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Dawaariishta Puntland ay u goosteen dhanka Ciidanka Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wararkan ayaa imanaya xilli maalmo ka hor aan shaacinay in Dowladda Federaalka ay waddo qorshe ay ku xoojinayso dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Qalabka Sida.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in ciidamadan ay gaareen goobo ay ku sugan yihiin saraakiil ka tirsan DFS, halkaas oo la sheegay in diiwaangelin iyo abaabul cusub lagu sameynayo. Tallaabadan ayaa qeyb ka noqon karta dadaallada lagu mideynayo ciidamada kala duwan ee dalka, si loo helo ciidan qaran oo midaysan.

Dhinaca kale, ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay Puntland ama Dowladda Federaalka oo si cad u xaqiijinaya tirada iyo faahfaahinta ciidamadan la sheegay in ay u goosteen dhanka Ciidanka Qalabka Sida. Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa dhalisay hadal-hayn iyo falanqeyn ku saabsan mustaqbalka amniga iyo xiriirka u dhexeeya Puntland iyo DFS.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli dalka uu wajahayo caqabado dhanka amniga ah, isla markaana Dowladda Federaalka ay dadaal ugu jirto xoojinta hay’adaha ammaanka iyo mideynta ciidamada kala duwan ee ka howlgala gobollada dalka.
=XIGASHO  SIYAASI MAXAMED SHIINE=
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -