Xeer-Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada oo loo saaray baarista kiiska Ikran Tahliil ayaa soo saaray natiijo hordhac ah oo ku aadan baarista kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hay’adda Soomaaliya ee NISA.

Guddiga ay dowladda federaalka Soomaaliya u saartey baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa soo saarey warbixin horudhac ah oo ku saabsan baarista sarkaaladaan oo ka tirsaneyd hay’adda Soomaaliya ee NISA.

Warbixinta oo laga sii daayey telefishinka ku hadla afka dowladda ayaa lagu sheegay in la wareystay dhamaan eedeysaneyaasha ama shaqsiyaada “cabashadda laga soo gudbiyey” oo ay ku jiraan Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Agaasimihii hore ee NISA, taliyaha KMG ah ee Hay’adda Yaasiin Faray, Kulane Jiis, Cabdiqani Wadnaqabad iyo sarkaalad magaceeda lagu sheegay Asma Yuusuf Cumar.

Hadaba Maxaa ka jira in dambi la’aan laga dhigayo Eedaysanayaasha in ay ugu qayb galaan tartanka doorashada golaha shacabka?

Qaalli Maxmuud Guhaad, oo ah hooyada dhashay Ikraan ayaa sheegay in warka ka ka soobaxay maxkamadda Ciidamada uu yahay in mid lagu “aasayo” kiiska gabadheerada oo lagu “takri falayo” awooda iyo xasaanada hay’adaha Dowladda..

kraan oo la waayey 26-kii June, 2021 ayaa kiiskeeda wuxuu sabab u noqdey isku-dhaca hogaanka waqtigu ka dhacay ee dalka iyo dib-u-dhac badan oo ku yimid doorashooyinka heer federaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here