MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha ururka diyaaradaha Xassan Xaashi ayaa saxaafada la wadaagay in Dowladu diiday inay bixiso qarashka diyaaradii dhawaan Wafdiga Dowlada Somalia geysay Laas-canood.
Gudoomiyaha wuxuu si gaar ah ugu eedeeyay inay diideen bixinta qarashkii baxay Xafiisyada Wasiirka Gaadiidka, Ra’iisalwasaaraha iyo agaasimaha hay’adda duulista Rayidka ah.
Lacagta Shirkada diyaaradu soo dalacatay oo aaan Dowlada wali laga helin ayaa gaaraysa $12,000 oo doollar ka Maraykanka ah.
“Waxaa ay ka codsadeen diyaarad ay ku tagaan Laascaanood, kadibna waxaa ay u diideen lacagtii ay kulal balameen, sidaas darteed waxaa khasab noqotay in shirkaduhu ay lacagahaas iska ururiyaan.”ayuu yiri Gudoomiyaha ururka diyaaradaha Xassan Xaashi.
Lama yaqaan wafdigaan la sheegayo ee aan qidmada diyaarada iska bixin inay yihiin wafdigii ugu danbeeyay ee Wasiiru Dowlada gaashaandhiga uu ku jirey iyo wafdigii cuslaa ee ka horeeyay oo wasiirada badan ku jireen midka uu yahay kan dacwada ay ku furan tahay.
Xubnaha ay khuseyso ee Dowlada ayaa lagu waaa inay ka hadlaan eedeymahaani, si kastaba halkaan ka akhriso warqada shirkaduhu qaaraanka isaga ururiyeen sida ay sheegeen:-

