Waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in  Dowlada Itoobiya qorshaheeda 2-aad uu yahay sidii ay ugu dagaalami lahayd Maamul Goboleedyada Somalia si ay u sii wado damaceeda dhul boobka Soomaliya.

Talaabadaan ayaa la leeyahay waxay u qaadeysa Madaama uu fashilmay qorshahoodii koowaad ee Maamulka gooni u goosadka Somaliland iyo heshiskii is afgaradka ku dhex maray Adis-ababa

Advertisement

Qorshahaas koowaad waxaa fashiliyay kadib dagaal diblomaasiyadeed oo Dowladeenu la gashay Xabashida hororka ah ee dooneysay inay Badda Somalia boobto.

Dadka siyaasada u dhuun daloola waxay aaminsan yihiin in marna uusan jirin sabab keeni karta in dunida xiligaan casriga ah in dal uu diblomaasiyad ahaan ku guuleysan karin inuu wax ka helo hanti dal kale, waxaana kaliya wadadaasi fududeyn kara adeegsiga xoog milatari oo lafteedu xiligaan aan sii socon karin.

Qaar ka mida Maamul Goboleedyada Dalka ayaa la carabaabay kuwaasoo wararku xusayaan inay u nugul yihiin in Itoobiyaanku damacooda la aadaan balse maaha mid u shaqeyn kara laba arin dartood waa mida koowaad dunida oo aan aqbali karin xiligaan in dalalka afrika isku xad-gudbaan iyo mida labaad oo ah Soomaalida oo dhexdooda dagaasha laakiin markii la dhaho hantida qaranka ay yihiin dad dhankaaasi ku wanaagsan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDAAWO: Shacabka Hargeysa maxay ka yiraahdeen diyaaradii Itoobiya ee hawada laga celiyay
Next articleFahad Yaasiin oo Amaan iyo dhaliil ku aadan qadiyada Somalia u soo jeediyay Madaxweynaha Somaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here