Warar soo baxay ayaa sheegaya in Dowlada Masar oo ah Dal Islaam ah ay Yuhuuda uga sii digtay sedex maalin ka hor inuu ku soo wajahan yahay weerar kaga imaanaya dagaalyahanada Xamaas.

Sida BBC-du sheegtay warbixintaan waxaa laga soo xigtay guddoomiyaha guddi hoosaad ka tirsan aqalka koongareeska Maraykanka.

Advertisement

Michael McCaul oo ah Madaxa guddi hoosaadka aqalaka wakiillada Maraykanka u qaabilsan arrimaha dibadda ayaa warfidiyeenka si cad ugu sheegay digniintaas.

Arinta la yaabka noqotay ayaa ah markii digniintaasi ka timid dhanka Masar la gaarsiiyay Yuhuuda ayuu Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ku tilmaamay been cad isagoona waxba ka soo qaadin.

Ninkan ka tirsan aqalka Aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa warkaan ka dhawaajiyay ka dib shir arrimaha sirdoonka ku saabsan oo albaabadu u xirnaayeen oo koongareysku ay ka yeesheen xiisada bariga dhexe  sida laga soo xigtay wakaalada wararka AFP.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous article12-ka Oktoobar Maalinta Calanka Soomaaliya
Next articleKooxda Alshabaab oo ka hadashay weerarkii Yuhuuda lagu xasuuqay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here