Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dowlada Somalia ay qaaday talaabooyin waa weyn oo ay uga hortageyso in reer Somaliland mar kale qal qal gelin diyaaradaha mara hawada Somalia.

Maamulka Somaliland ayaa dhawaan daartay raadiye wayn oo lagula hadli karo diyaaradaha maraya hawada Somalia taasoo u suurtagelisay inay qalqal geliyaan dhowr diyaaradood oo qaarkood ay ku dhaheen waa xiran yahay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Advertisement

Dowlada oo arintaasi ka duuleysa ayaa la sheegay inay ku guuleystay inay damiyaan  raadiyahaasi,sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Dowladu ku guuleysatay inay keensatay qalabka internet-ka ee dynida casriga la isticmaalo islamarkaana la joojiyay raadiyihii la isticmaali jirey.

Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Xamar  Ahmed Moalim Hassan ayaa la sheegay inuu dadaal badan u galay inay helaan qalabkaasi casriga ah.

Garoomada diyaaradaha magaalooyinka Maamulka Somaliland sida Hargeysa oo kale waxaa la sheegay in hada kadib laga maamuli doono Muqdisho.

Sidoo kale Dowlada Somalia ayaa inta badan shirkadaha diyaaradaha iyo dowladaha dunida waxay u kala direen qoraalo ay ugu sheegayaan in diyaarad kasta oo dhanka Somaliland soo rabta inay Xamar kala soo xiriraan islamarkaana amarka Dowlada Somalia la’aanteed aaney wax diyaarada ka degi karin Hargeysa ama magaalooyinka kale.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleNin maanta Baangad lagu dilay Muqdisho
Next articleMareykanka oo sheegtay inay ka hor tageen gantaalo ka yimid dhanka Xuutiyiinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here