Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka mida saraakiisha la talisa ay isla garteen in la hakiyo dagaalada soo afjarida wajiga koowad markii dhawaan qiyaano qaran lagula kacay qorshaha dagaalka.

Wararka hoose aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynuhu ku qasban yahay inuu talaabo ka qaado dhamaan saraaiishii iyo madaxdii ku lug lahayd xagal daacintii ciidamada lagu sameeyay taasoo keentay in Alshabaabku dib u soo noolaadaan islamakaana halis la galiyo qorshaha Madaxweynaha.

Advertisement

Inkastoo sida wararka xaqiijinayan wali socoto baaritaanada ayaa hadana la soo sheegayaa in Madaxweyuhu talaabooyin waa weyn qaadi doono marka baaritaanadu soo dhamaadaan.

Waxaa macquula inay talaabooyinka Madaxweynuhu saameyn ku yeelan karto Xildhibaano,saraakiil,taliyayaal,wasiiro iyo xitaa rag madax u ah qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada, Madaxweynaha waxay u badan tahay marka uu Xamar ku soo laabto inuu qaadi doono talaabooyinkaasi.

Qorshaha Madaxweynaha ayaa ah inta uu xilka hayo inuu gabi ahaanba dalka ka saaro xooggag Alshabaab si waxyaabo badan oo dhanka horumarada ah ay Dowladu ugu sahlanaato sida in la qabto doorashooyin qof iyo cod.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

 

Previous articleOrod-yahan Mo Farax oo ka fadhiistay ciyaaraha.
Next articleYuusuf Daba-Geed “Gaal iyo Muslim intaan kaalmeysan karno, anagana aan mowqif mideysan Alshabaab uga saarno inta noo hartay madaama inta badan bariga Hiiraan aan hore uga saarnay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here