MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in hub ku cusub Somalia maanta laga soo dejiyay Dekada weyn ee magaalada Muqdisho ,waxaana iska leh hubkaan Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyadoo hubkaani dhanka Turkiga uu ka yimid.
Hubkaan waxaa la sheegay inuu keenay Muqdisho Markab dagaal oo ay leedahay Dowlada Turkiga,warar ku dhaw dhaw hubkaan ayaa sheegaya inuu qeyb ka yahay iskaashi oo dhanka amniga ah oo ay hore u galeen Dowladaha Somalia iyo Turkey.
Hubkaan oo ah kuwo cusub oo casri ah ayaa Galabta ka degay Dekada Muqdisho,wararku waxay tilmaamayaan in hubkaani oo u badan gaadiidka gaashaaman ayaa ah kuwo badan islamarkaana qeyb ka mid ah uu qalabeyn ay Turkidu balan qaaday.
Dhanka kale dad ku dhaw dhaw Dowlada Somalia ayaa sheegaya in Dowlada Somalia ay isu diyaaineyso inay si rasmi ah ula wareegto amniga guud ee dalka xili sii joogista ciidamada Midowga Afrika uu gabaabsi yahay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ
