Waxaa soo baxaya warar sheegaya in suuqa Baladweyne lagu kala iibsaday Hub,raashin iyo shidaal dhawaan Maamulka Soomaalida Itoobiya ay ugu deeqeen macawisleyda Hiiraan ee dagaalka kula jirta Alshabaab.
Iibka agabkaan kala duwan oo si sharci daro ah la sheegay in lagu iibsaday ana wax cadeyn ah wali uma aanan helin balse waa warar dadka shacabka xagiisa ka soo baxaya.
Shidaalk,hubka iyo raashinka la sheegay inuu ka yimid dhanka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa lagu soo simay maamulka Gobolka Hiiraan kuwaasoo iyagana warbaahinta tusay inay la wareegeen.
Hubka iyo shidaalka la sheegayo in la leexsaday waxaa si gaar ah loogu talagalay in lagu xoojiyo ciidamada deegaanka ee Macawisleyda Hiiraan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
