Warar aaney wali Dowlada Jarmalku xaqiijin balse baraha bulshada lagu faafiyay ayaa sheegaya in Dowlada Jarmalka ka aqbashay maamulka Somaliland barnaamij ay wateen oo ah in viisaha dalka ku galka deegaanadooda looga dhigo Visa On Arrival gaar ahaan dadka heysta dhalashada Jarmalka si ay uga bad-baadaan qorshaha Dowlada Somalia ee Evisa.
Wasaaraddooda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in dadka heysta dhalashada Jarmalka ay gudaha dalkaasi ka qaadan karaan Visa On Arrival si ay u gaaraan Magaalooyinka Boorama, Hargeysa,Burco ,Berbera iyo Ceerigaabo.
Dadka haysta dhalashada dalka Germany ee ka degaya magaalooyinka Maamulka Somailand ayaa loo ogolaaday inay viisaha ka qaadan karaan garoomada maamulka Hargeysa,Berbera ,burco iyo kuwa kale.
Warkaan Jarmalka ka soo baxay waxay nafis siyaasadeed u tahay madaxda Maamulka Somaliland oo maalmihii ugu danbeeyay ka cabanayay qorshaha Dowlada Somalia ee E-Visa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
