MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee K/Galbeed Salman Shuceyb Cali uu caawa shaaciyay inay ka baxeen tartanka ciyaaraha kubada cagta Maamul Goboleedyada ee ka socda Magaalada Muqdisho.

Wasiirka waxaa la sheegay inuu ka xanaaqay weerarka galabta lagu dhaawacay qaar ka mida ciyaartoyda Koonfur Galbeed ku matalayay tartanka xili ay bas saarnaayeen markii ciyaartu soo dhamaatay.

Advertisement
Sidoo kale wasiirka wuxuu sheegay inay mar kale xitaa ka soo qeybgeli doonin madaama sida uu sheegay ay tahay markii labaad oo ciyaartoyda la weerarayo walow galabta la sheegay in weerarkaani ay gaysteen taageerayaashooda.

Kooxda Koonfur Galbeed waxay tartanka uga harsan hal kulan oo ay la leeyihiin Hirshabelle waxayna leeyihiin 3 dhibcood halka hirshabelle leeyihiin 4 dhibcood.

Dhanka kale Macalin ku xigeenka kooxda Kooxda Koonfur Galbeed Maxamuud Meyman iyo ciyaartoy kooxda ka tirsan ayaa muuqaal ay duubeen weerarka baska kadib waxay aad uga cabteen weerarkaasi iyagoo sheegay in dhibaatooyin badan la gaarsiiyay.

Muuqaalkaasi halkaan ka daawo:-

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleCiyaartoy ka tirsan Koonfur Galbeed oo Isbitaalka la dhigay markii Galabta Baskooda lagu weeraray
Next articleMadaxweyne Xasan ” Somalidu waa isaga filan yihiin Itoobiya”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here