HomeWarkiiMaxaa ka jira in kooxda Cumar C/rashiid balan qaad ka heystaan Madaxweyne...

Maxaa ka jira in kooxda Cumar C/rashiid balan qaad ka heystaan Madaxweyne Xassan

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sidaa xalay warbixinta idinkula wadaagnay waxaa si rasmi ah u kala jabay isbahaysigii mucaaradka samatabixinta ee uu hogaaminayay Shariif Sheekh Axmed kadib markii ay ku dhawaaqeen inay ka baxeen isbahaysigaasi Siyaasiyiin uu horkacayo Cumar C/rashiid.
Sida aan xogta ku helnay kooxdaan Cumar C/rashiid,Shariif Xasan,Mursal iyo Daahir Geelle ayaa sameysanaya xisbi cusub oo uu hogaamin doono Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo laba jeer soo noqday Ra’iisulwasaare.
Warar kale ayaa sheegaya in kooxda Cumar C/rashiid ay heshiis hoose la galeen Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh taasoo salka ku heysa in Dowlada xilal sare laga siiyo sidaas daraadeedna ay qaateen inay ka soo baxaan mucaaradka samatabixinta.
Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka soo jeeda Koofur-galbeed waxaa la hadal hayaa inay doonayaan sidii ay Aadan Madoobe  uga ridan lahaayeen xilka Gudoomuiyaha Barlamaanka, wayna dhacday hada ka hor 2010-kii Shariif Xasan ayaa xilka gudoomiyaha Baarlamaanka kala wareegay isla Aadan Madoobe.
Cumar C/rashiid balan qaadka uu ka heysto Madaxweyne Xasan inkastoo aan si cad loo sheegin hadana kaliya waxa uu ku qanci karo ayaa ah in Xamza lagu badalo oo uu dalka ka noqdo Ra’iisulwasaare hadii Madaxweyne Xassan mudo korrsi helo ama in dib loo doorto mar kale.
Dhanka kale Kooxda Shariif ayaa iyagana la hadal hayaa inay isbahaysiga ku soo biirin rabaan Saciid Dani iyo Axmed Madoobe si dhiig cusub loogu shubo madasha samatabixinta.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of 4 people, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -