Sida uu shaaciyay Siyaasi C/sataar Xassan Cali maanta oo jimco ah taariikhduna tahay 14,11,2025 waxaa maxkamadda Bariga Afrika ee magaalada Aruusha qaadeysaa kiis dacwad ah oo ka dhan ah sagaal xildhibaan oo Baarlamaanka bariga Afrika dalka Soomaaliya ku matalaya ama u soo magacawday
Xildhibaanadaan oo aan weli kuraasta fadhiiisanin ayaa isla markii kiis dacwad ah lagu furey, kiiskaasi oo ay geeyeen shaqsiyaadkii la tartamay ama qaarkood loo diiday in ay u tartamaan xubinnimada Barlamaanka Bariga Afrika.
Wafdiga Dowladda federaalka Soomaaliya ka socda ee dacwadaan dhegeysan doona waxaa ka mid ah xildhibaan Mahdii Guuleed, xildhibaan Nuux oo habdhooraha baarlamaanka Soomaaliya ah, xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo nin Looyar ah oo dalka kenya u dhashey oo dalka Soomaaliya looyar u ah.
