HomeWarkiiMaxaa ka jira in la sii og-yahay 9-ka Xildhibaan ee saaka loo...

Maxaa ka jira in la sii og-yahay 9-ka Xildhibaan ee saaka loo dooran doono matalaada Somalia ee Bariga Afrika

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dowlada Somalia hore u xulatay oona la sii ogyahayDoorashada Xulista Xubnaha Soomaliya ku meteli doona Baarlamanka Bulshada Bariga Afrika kuwaasoo ka kooban 9 xildhibaan islamarkaana lagu saleeyay nidaamka habka beelaha Soomaaliyeed.

Doorashada Saaka lagu wado inay ka dhacdo Xarunta Baarlamaanka waxaa la sheegayaa inay tahay mid ku dhici doonta hab jiliin oo kale ah iyadoo 9-ka Xildhibaan ee Dowlada u soo dooran uu mid kasta keensan doono la tartamihiisa jiliinka ah sidaasna indha Caalamka iyo kan Soomaalidaba loo tusi doono in doorasho lagu kala baxay.

Inkastoo aan helnay magacyada 9-ka xildhibaan ee dhanka Dowlada xulan hadana maaha wax xaqiiqi ku fadhiya kaliyana waa aragti bulshadeed islamarkaana runa noqon karta beena noqon karta sidoo kalana qaarkood ku soo bixi karaan qaarna laga weyn karo.

Dooraashada maanta barqadii ama duhuradii ka dhici doonta Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ugu danbeyn lagu shaacin doonaan 9-ka kursi ee Soomaliya loo qoondeeyay inay ku matalaan Ururka Bariga Afrika kuwaasoo loo maleynayo ugu yaraan in aqoontooda dhanka luuqadaha lagu xushay madaama ay wax la qeybsan doonaan bulsho aan nagu luuqad ahayn.

Si kastaba sida la saadaalinayo 9-ka Xildhibaan ee Dowladu soo xulatay ayaa sidan kala ah:-

1-Cali Cabdinuur Cusmaan ama Abuukar Cabdi Cusmaan Mardaadi

2.Sahra Cali Casan.

3.Cabdiraxman Bashiir Shariif.

4.Faisal Cabdi Rooble.

5.Xuseen Xasan Cabdi.

6.Fahma Axmed Nuur.

7.Cabdisalaan Hadliye.

8.Faadumo Insaaniya.

9-Ilham Cali Gasar.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -