Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ergooyin ka kala Madaxweyne Xasan laba ka kmid ah madaxda mucaaradka Golaha Mustaqbalka ay heshiis isla gaareen saacadihii ugu danbeeyay ee maanta taasoo ku saabsan dhanka qodobadii la isku hayay ee habka doorashada.
Wararku waxay tilmaamayaan in labada masuul ee mucaaradka ka tirsan ay aqbaleen in doorashada Madaxweynaha lagu galo habka xisbiyada oo ah sidii uu rabay Madaxweynaha Soomaaliya ee muda xileedkiisu dhamaada Xasan Sheekh.
Xogaha aan heleyno ergooyinkaan kulmay waxaa la socday oo fududeeyay diblomaasiyiinta ka socda Dowlada Turkiga oo garab weyn u ah Madaxweyne Xasan Sheekh marka la eego dhanka siyaasada , amniga iyo dhaqaalaha.
Labada masuul ee ka tirsan mucaaradka wali maanan helin magacyadooda laakiin waxaa la sheegay inay ka mid yihiin madaxda hogaamineysa Golaha Mustaqbalka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ
