GAROWE (DAYNIIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dib u doorashadii Xildhibaanada Puntland uu gabo gabo yahay islamarkaana la soo xulay xitaa kuwii SSC Khaatumo ee arintooda la isku heystay.

Xildhibaanada Puntland oo gabi ahaanba ah 66 mudane ayaa wararka la helaayo waxay sheegayaan inay diyaar yihiin 60 xunood,  kaliyana  6 mudane ay harsan tahay madaama ay soo dhawaatay xiligoodii doorashada Madaxweynaha.

Advertisement

Dhanka kale 60-ka Xildhibaan ee la soo xulay waxaa la sheegay inay ka mid yihiin 17-kii Xildhibaan ee ka iman jirey dhanka Khaatumo xili dhowr madr ay ku celiyeen inay ka baxeen Puntland ayna sameysteen maamum ka madax banaan kan Puntland.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu soo xulay taasoo keeni karta laba goorba muran siyaasadeed,waa marka koowaade, waxay dhinac mareen habkii beel kasta waxeeda ku soo xulan jirtay iyo marka labaad oo ah tan siyaasada ee ahayd inaanery jirin cid puntland ku matali karta Khaatumo.

Si kastaba maamulka SSC Khaatumo ayaa lagu wadaa inay si kulul uga hadlaan arintaani hadii ay dhacdo in la soo bandhigo xildhibaano magaca Khaatumo lagu soo xulay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleMaxaa looga hadlay kulankii ay yeesheen Golaha fulinta Maamulka SSC Khaatumo+Sawirro
Next articleDAAWO: Sadex Alshabaab ka tirsan oo lagu qabtay deegaanka Cad-cadeey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here