HomeWarkiiWasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo saraakiil Milateri kala hadlay qaban qaabada maalmaha xoriyada 

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo saraakiil Milateri kala hadlay qaban qaabada maalmaha xoriyada 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,oo qayb ka ah Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ee Sanadguurada 65aad ee 26-da Juun iyo 1-da Luulyo.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray kaalinta Ciidanka Xooggu ku leeyihiin xuska maalmaha xorriyadda, gaar ahaan bandhigyada milatari ee lagu muujinayo awoodda, heeganka iyo kartida CXDS.
Wasiiru Dowlaha ayaa bogaadiyay dadaalka hagar la’aanta ah ee ay muujinayaan saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku howlan diyaarinta iyo ka qayb qaadashada xuska maalmaha qaran. Waxa uu sidoo kale caddeeyay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay ka go’an tahay in xuska sanadkan uu ku qabsoomo si nabad ah, si uu u noqdo astaan u taagan xorriyadda, midnimada, iyo madax-bannaanida Ummadda Soomaaliyeed.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -