HomeWarkiiMaxaa ka jira in Madaxweyne Xasan amray in siyaasiyiinta Xawaadle ka dhoofi...

Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan amray in siyaasiyiinta Xawaadle ka dhoofi karin Muqdisho

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh amray in Garoonka diyaaradaha aysan ka dhoofi karin siyaasiyiinta Beesha Xawaadle ee doonaya inay Baladweyne u safraan si ay uga qeybgalaan shir beeshaasi leedahay.

Warkaan oo aan wali xaqiiqo loo heyn hadii ay sax tahay waxay ku soo aadeysa xili siyaasiyiinta Beesha oo shalay Muqdisho ka shirey ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin in Madaxweyne Xasan uga baxay balan ay sheegeen inay ahayd inuu siiyo xilka ugu sareeya ee Hirshabelle.

Shirkaasi wuxuu Yuusuf Dabageed ka iclaamiyay kulan beeshu isugu imaaneyso Magaalada Baladweyne oo ay mar kale kaga hadlayaan balan ka baxa ay ku eedeen Madaxweyne Xasan ,lama oga in amarka garoonka diyaaradaha uu la xiriiro si shirkaasi looga hor istaago Beesha Xawaadle.

Dhanka kale Taliyihii Naba sugida iyo sirdoonka Qaranka ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ahayd haweeney ayaa xilka laga qaaday, waxaana lagu badalay  Khaalid Ciidow kaasoo lagu wado inuu la wareego shaqadiisa.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -