HomeWarkiiMaxaa ka jira in Madaxweyne Xasan ogolaaday qabashada Doorashada Madaxweynaha

Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan ogolaaday qabashada Doorashada Madaxweynaha

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu aqbalay in dalka ay ka dhacdo doorasho mudo 7 bil gudahood islamarkaana uu aqbalay qaar ka mid ah soo jeedinada madaxda mucaaradka Dowlada Somalia.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu aqbalay in doorashada ay kor joogto ka noqdaan beesha Caalamka,sidoo kale waxaa soo baxaya inuu aqbalay in gudi dhex dhexaad ah la sameeyo,wararka waxay tilmaamayaan in Villa Somalia u gudbisay beesha Caalamka inay mucaaradka gaarsiiyaan aqbalaadiisa inuu doorasho qabanayo.

Wararka ayaa tilmaamaya in Madaxwweyne Xasan uu wax ka badal ku sameeyay erey bixino uu qalad u arkayay sida habka iyo siiqada qoraalka loo dhigayo qodobada lagu heshiiyay intaan la shaacin ka hor waxaana ka mid ah in Madaxweynuhu meesha ka saaray ereyga Beesha Caalamka oo dhex dhexaadineysa Dowlada iyo Mucaaradka wuxuuna dalbaday in lagu badalo beesha Caalamka inay yihiin fududeeyayaal.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa la sheegay inuu soo jeediyay in dorashada loogu magac daro doorashada Dowlada Faderaalka balse aysan jirin waqti la qabanayo oo cayiman,sidoo kale Madaxweyne xasan wuxuu meesha ka saaray erega ah Doorashada waxaa damaanad qaad ka ah Beesha Caalamka wuxuuna ku badalay korjoogteynta beesha caalamka.

Wararkaan laguma sheegin waqtiga doorashada ,tirada gudiga doorashooyinka noqonayo iyo guud ahaan jadwalka doorashada xiliga la qabanayo intaba ,dhanka kale ma jirto wax cadeynaya jiritaanka aqbalaada Madaxweyne Xasan mana jirto wax war rasmi ah oo ka soo baxay Dowlada iyo Mucaaradka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -