HomeWarkiiMaxaa ka jira in Madaxweyne Xasan taageeray qaabka Itoobiya  ay ku raadineyso...

Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan taageeray qaabka Itoobiya  ay ku raadineyso marin biyoodka Badda

ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Sida ay shaaciyeen warbahinta Dowlada Itoobiya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa taageeray nidaamka Dowlada Itoobiya ay ku raadineyso marin biyood xaga badda ah isagoona intaasi ku daray inaanba loo baahneyn in arimahaasi ay xiligaan keenaan is marin waa.

Warkaan ka soo baxay warbaahinta Itoobiya ee loo yaqaan EBC ayaa lagu xusay in marka la eego heshiiskii Ankara ay ku kala saxiixdeen Somalia iyo Itoobiya uu ahaa aadu xoojiyay xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Marka la eego qaabka qoraalka waxaad moodaa in Itoobiya mar kale ay dooneyso inay soo nooleyso buuqii hore uga dhasay damaca Itoobiya ee ku xad gudubka madax banaanida dhulka iyo Badda Somalia inkastoo uusan ahayn war si rasmi ah uga soo baxay Dowlada Itoobiya, tiiyoo ay sii dheertahay in Madaxweyne Xasan hore mowqi adag uga istaagay damaca Itoobiya isagoona hab diblomaasiyadeed uga guleystay Abiy Axmed .

Warbixintaan lagu shaaciyay  Warbaahinta EBC ayaa lagu sheegay in Heshiiskii Ankara ee ay saxeexeen Itoobiya iyo Soomaaliya 12-kii December 2024, uu ahaa mid horseeday is-afgarad cusub oo ku saabsan arrimaha badda, iyo waliba iskaashiga dhanka dhaqaalaha.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -