LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Warar aan wali xaqiijin ayaa sheegaya in dhawaan Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh uu ku wajahan yahay Magaalada Laas-caanodo ee xarunta Gobolka Sool iyo Xarunta Maamulka SSC Khaatumo.
Shalay ayaa laga war helay Sawirada Madaxweyne Xassan oo lagu soo dhajiyay laamiyada Magaalada Laas-caanood,waxaana bixiyay amarka sawiradaasi lagu soo dhaliyay magaalada madaxda sare ee maamulka Khaatumo sida aan xogta ku helnay.
Tabeelayaasha uu ku xardhanyahay sawirka Madaxwayne xasan shiikh ayaa lagu dul qorey hal kudhigiisi uu doorashadda ku galay ee ahaa “somaali heshiis ah duniddana la heshiisa”.
Warkaan sheegaya in Madaxweyne Xasan booqanayo Magaalada Laas-caanood ayaa ku soo aadaya xili beri Magaaladaasi uu ka furmayo kulanka loogu magac daray Shirweynaha dhamaystirka SSC-Khaatumo inkastoo madaxweynuhu qeyb ka ahayn oo ay reer sool,sanaag iyo ceyn aayahooda uga tashanayaan.
Hore waxaa Laas-caanood u tagay oo booqday islamarkaana si weyn loo soo dhaweeyay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre kaasoo horseed u noqday xiligaasi in maxaabiis badan ay is dhaafsadaan maamulada Somaliland,Puntland iyo SSC Khaatumo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

