HomeWarkiiMaxaa ka jira in Madaxweyne Xassan lagu casuumay daah-furka mashruuca biyaxireenka webiga...

Maxaa ka jira in Madaxweyne Xassan lagu casuumay daah-furka mashruuca biyaxireenka webiga Nile ee ay Ethiopia.

ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Somalia uu ka qeybgalayo 9-ka bishaan daahfurka mashruuca biya-xireenka webiga Nile ee ay Ethiopia kadib casuumaad uu u fidiyay Ra’iisulwasaare Abiy Axmed inkastoo warar aad u xooggan ay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Adis ababa u tagayo shir dalalka Afrika ay leeyihin.

Munaasabadaan waxaa sidoo kale lagu casuumay Masar iyo Sudan balse labadaasi Dalba way diideen sida la sheegay.

Warar kale ayaa sheegaya in Dowlada Masar ay ka war heyso safarka Madaxweyne Xassan mana aysan ka hadlin taasoo cadeyneysa i Madaxweynaha Somalia shir uga qeybgalayo Adis-ababa balse uusan ka qeyb-galeyn sida la qiyaasayo daah-furka biya xireenka wabiga Niil.

Si kastaba Madaxweyne Xassan ayaa la hadal hayaa inuu Adis ababa u safri doono dhawaan markaas ayayna kala cadaan doontaa ujeedka socdaalka Madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -