MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa wada qorshe uu ku doonayo in lagu dedejiyo ansixinta wax ka bedelka dastuurka KMG ah xili ay Muqdisho taal gogol Dowladu u dhigtay mucaaradka islamarkaana mucaaradku ka digayaan in gogosha ka hor Dowladu ku dhaqaaqdo talaabooyin wax u dhimi kara gogosha.
Madaxweyne Xassan mar kasta oo uu jiro wada hadalo uu la leeyahay mucaaradka wuxuu dhanka kale xooga saaraa wax ka badalka asuurka taasoo loo macneyn karo inuu cadaadis kaga dhigayo mucaaradka marka la eego qodobada ay isku hayaan si qaar ka mid ah qorshayaashiisa ay u aqbalaan marka ay qaar diidaan.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan maanta kulan la qaatay guddiga lasocodka dibu eegista Dastuurka, kuwaasoo u kala hadlay sidii guddoonka baarlamaanka u gudbin lahaayeen qorshaha wax ka bedelka dastuurka KMG ah oo sida la wada ogyahay uu khilaa weyn ka taagan yahay xili hore cutubyo ka tirsan Dastuurka wax uga badaleen Baarlamaanku.
lama yaqaan sida ay ka yeeli donaan mucaaaradka hadii Madaxweyne Xassan ku guuleysto in ka hor gogosha Dowladu dhigtay Baarlamaanku meel mariyo ansixinta wax ka badalka Dastuurka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
