MOQOKORI (DAYNIILE.COM)-Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Alshbaaab jihooyin badan ka soo weerareen magaaladaasi.
Wararku waxay tilmaamayaan in kooxda Alshabaab gudaha ugaleen magaaladaasi markii ay ku qaadeen weeraro qaraxyo ku bilowday sidaana kula wareegeen gacan ku heynteeda.
Warar kale oo ka soo kordhay qaraxa ayaa sheegaya in dad magac ku leh deegaanka ay ka mid yihiin dadka ku dhintay inkastoo wali aaney warbaahintu helin tira sugan.
Alshabaab waxay barahooda bulshada ku soo bandhigeen sawiro ay ku sheegayaan iyagoo dhex jooga Moqokori.
Dhanka kale Maamulka Gobolka Hiiraan iyo saraakiisha macawisleyda wali kama hadlin dagaalkaani iyo sheegashada Alshabaab.
XAFIISKA WARARKAÂ
DAYNIILE.COM



