BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in in markab xamuul ah oo siday hub badan ay Xeeaha Boosaaso ku qabteen ciidamada Maamulka Puntland sida uu cadeeyay sarkaal reer Puntland ah.
Hubkaan oo u badan dabaabaadka gaashaaman iyo hub kale oo badan ayaa ku soo socday Magaalada Muqdisho, waxaana uu u rarnaa oo lahayd Dowlada Faderaalka Somalia.
Dowlada Turkey ayaa la sheegayaa inay u soo dirtay Dowlada Soomaaliya , warkaan waxaa cadeeyay Kabtan Ayuub oo baraha bulshada caan ka ah sidoo kalana ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland.
Kabtan ayuu Ayuub oo sidoo kale loo yaqaan Genaral C/risaq ayaa xusay inay reer Puntland qaadan doonaan hubkaasi sidii reer Cabud-waaq-ba u qaateen hada ka hor hub dhanka Itoobiya ka yimid oo la sheegay inay Dowlada Somaliyed lahayd walow ay beenisay.
.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
