MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Waxaa soo baxaya warar sheegaya in shirka Golaha Wasiirada Maanta looga dhawaaqi doono xil ka qaadis ay ku sameyn doonaan qaar ka mid ah masuuliyiinta Dowlada oo uu ka mid yahay Taliyaha Milateriga Somalia Odawaa Yuusuf Raage.
Isbadalada maanta la hadal hayo inay sameeyaan Wasiirada waxaa sidoo kale ku jira in isna xilka laga qaadi doono Gudoomiyaha Hay’ada Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macalin iyo xitaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Muungaab,sidoo kale waxaa isnala hadal hayaa Maamulaha Dekada Xamar Cusmaan Cadaawe.
Kulanka Wasiirada maanta waxaa lagu wadaa inuu shir gudoomiyo Madaxweyne Xassan Sheekh islamarkaana canaan kadib lagu xaliyo muranka u dhexeeya Wasiirada qaar kuwaasoo dhowr habeen ka hor baraha bulshada isugu jawaabay hadalo qaarkood xanaf lahaa .
Xila ka qaadistaan ayaa hadi ay run noqoto waxay ku soo aadeysaa xili dalku sii galayo kala guur siyaasadeed madaama uu gabaabsi yahay muda xileedka Madaxweyne Xasan iyo guud ahaan Dowlada uu hogaaminayo.
Si kastaba wararkaan la xiriira xil ka qaadista maaha warar ay Dowladu si rasmi ah u shaacisay balse warar hoose oo laga helayo dhanka Dowlada oo aan banaanka oolin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
