Mid ka mid ah saddexda xubnood ee ugu qeylada dheer musharaxiinta ku haray Madasha Samatabixinta Mucaaradka ayaa la xaqiijiyay inuu aqbalay inuu madaxweyne Xasan Sheekh kala shaqeeyo mudo korarsi saddex sano ah ama ugu yaraan labo sano.
Musharaxan ayaa la warinaya inuu si dhab ah ugu qancay doodda sheegeysa in aaney musharaxiinta Muqdisho kasoo jeeda wax fursad ah laheyn sanadkan hadii uu tartamayo Xasan Sheekh, sidaa darteedna ay muhiim tahay in la abuuro fursad walba oo Xasan Sheekh looga badalan karo inuu ka haro tartanka doorashada.
Waa adagtahay in mar saddexaad dib loo doorto madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin hadii uu tartamo la iskuma khilaafsana inuu ka cod badan karo dhammaan musharaxiinta ay isku deegaanka yihiin, taas oo hadii ay dhacdo kursiga u wareejin karta dhinaca Farmaajo, Siciid Deni ama Saacid midkood.
Xasan Sheekh oo 2017kii kursiga laga xaday uma muuqdo nin markan si fudud loogu sameyn karo jeeb-siib siyaasaddeed, in kursiga xoog iyo qoryo looga qaatana ma fududa, sidaa awgeed heshiis siyaasaddeed ama wax is dhaafsigu wuxuu u muuqda xal shaqeyn kara.
WAXAA QOREY
WARIYE: C/laahi Cusmaan Faarax
