XAWAADLEEY (DAYNIILE.COM)-Warbaahinta qaar iyo Baraha bulshada ayaa lagu shaaciyay in ciidamada Milaterga Somalia mar kale ka soo baxeen Xawaale oo maalmo ka hor ay alshabaab dib kaga saareen kuna soo celiyeen gacanta Dowlada Somalia iyo dadka deegaanka.
Taliska Ciidamada Xooga Somalia gaar ahaan Guutada 16-aad ee Kumaandooska danab oo arintaan ka jawaabayay ayaa si weyn u beeniyay warka nuucaas waxayna sheegeen inayesan waxba ka jirin islamarkaana ay ku sugan yihiin Deegaanka Xawaadleey.
Kumanadooska Danab waxay intaasi ku dareen inay deegaanka iyo nawaaxigiisaba ka wadaan howlgalo ka dhan ah kooxda Alshabaab tan iyo markii ay ka eryeen kooxda.
Dhawaab ayay ahayd markii Kumaandooska Danab xoog kaga saareen Alshabaab deegaanka Xawaadleey oo sanadkii hore ay qabsadeen kooxda kadib roobab badan oo halkaasi ka da’ay taasoo keentay in ciidamo AUSOM, kuwa Dowlada iyo kuwa macawisleydaba ka soo wada baxaan,waxaa sii dheer in Diyaarad Heyla-kobtar ah oo AUSSOM lahaayeen bartaasi looga soo tago markii cilad ay ku timid.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
