Xafiiska Warfaafinta madaxtooyada ayaa maanta si lama filaan ah warbaahinta ula wadaagay muuqaal uu sii hayaha wasiirka Warfaafinta uu ku eedeynayo in madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntiland ay burburiyeen shirkii loogu gogol xaarayay kulan lagu xallin lahaa ismari waaga doorashada.

Dadka ku xeer dheer aqrinta muuqaallada ayaa ku adkeysanaya in muuqaalka la duubay xalay 3:00 Am. Arrintaas waxaa sii adkeynaya in muuqaalka ay duubtay madaxtooyadu halka markii hore ay baahin jirtay SNTV.

Xubno ka tirsan howl-wadeennada madaxtooyada oo aan la hadalnay ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in muuqaalka la duubay xalay maadaama ay madaxtooyada ay ka Go’neyd fashilinta shirka.

Marka la isku daro fasiraadda khuburada filimada, shaqada film duubista ee madaxtooyadu sameysay, xaqiijinta howl wadeennada madaxtooyada, sida dhaqsaha badan ee warbaahinta loola wadaagay filimka, fariimaha jaha wareerinta ee subaxnimadii hore lagu sheegayay in Farmaajo yahay “Tanaasul Badane” iyo sida farriimaha abaabulan u baahinayaan taageerayaasha Farmaajo, waxaa xaqiiqa ah in muuqaalka la duubay xalay.

Sidee u aragtaa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here