DOOLOOW (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in caawa Magaalada Dooloow ee Gobolka Geddo lagu dhibaateeyay gabdho ka mid ah qoyska Taliyaha NISA ee Gobolka Geddo C/rashiid Jajan.
Sarkaal ku heyb ah C/rashiid Janan oo laakiin ka tirsan maamulka Jubaland ayaa lagu eedeeyay inuu ka danbeeyo dhibaateynta gabdhahasi oo baraha bulshada la soo geliyay iyagoo cabanaya.
Gabdhaha oo muuqaal iska soo duubay ayaa muujiyay in mar kasta oo dagaalo ay jiraan islamarkaana uu ku xil hayo C/rashiid Janan in iyagana lagu xad-gudbo gabdhaha ayaa ugu baaqay kuwa u bareeraya weerarka ay gabachaha ku qaadayan ay raadsadaan C/rashiid Janan intii ay dumarka aadi lahaayeen.
“C/rashiid Janan waa kaas jooga Balad-xaawo isaga raadsada hadaad rabtaan laakiin inagu reer xirsi baan ka dhalanay mana aqbalayno marka kasta in reer Axmed nagu xad-gudbaan iyagoo Crashiid raadinaya”ayay tiri mid ka mid ah gabdhaha ka soo muuqday muuqaalka baraha bulshada la soo geliyay.
“Gabdhahaani waa Gabdho xirir ruush ah waa lama taabtaan ha ogaadaan” ayay mar kale tiri Gabadhaasi cabanaysay
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
