Tan iyo markii dhawaan ay sanad jirsatay Xukuumada Dan-qaran ee uu Hogaamiyo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi Barrre waxaa jirtay warar hoose oo sheegaya qorshe la isugu shaandheynayo Golahasi wasiirada.
Wararkani waxay soo xoogeysteen markii ay si xowli ah ku bilowdeen dagaalada u dhexeeya Dowlada Soomaaliya iyo Alshabaab iyadoo dhaliilo badana loo jeediyay wasaaradaha qaar.
Si kastaba waxaa la hadal hayaa in dhawaan Ra’iisulwasaaruhu doonayo isku shaandheyn iyadoo wasiiro badan xilalka ay hayaan la isku weydaarin doono qaarna gabi ahaanba ay macquul tahay inay sanad kadib dibad joog ka noqdaan Xukuumada.
Wasiirada laga yaabo inay xilalkooda waayaan ama ugu yaraan boos kale loo badalo waxaa kow ka ah Wasiirka Gaashaandhiga ,sidoo kale wasiirka arimaha gudaha ayaa macuula in isku shaandheynta ay saameyso.
Wasiirada xilalkooda lama tabtaanka uu yahayna waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbarahada Faarax C/qaadir oo ay macquul tahay inaanu wax saameyna ku yeelan hadii isku shaandheyn degdeg ah ay dhacdo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM