HomeWarkiiXOGTA: Shiinaha oo Somalia u xaqiijiyay in Israa'iil mar horaba saldhig milateri...

XOGTA: Shiinaha oo Somalia u xaqiijiyay in Israa’iil mar horaba saldhig milateri ka sameysatay Xeebaha Ber-bera

XOGTA: Shiinaha oo Somalia u xaqiijiyay in Israa’iil mar horaba saldhig milateri ka sameysatay Xeebaha Ber-bera

MUQDISHO (DAYNIILE.COM-Kulan la sheegay inuu Muqdisho ku dhexmaray Safiirka Dalka Shiinaha u fadhiya Somalia iyo Ra-iisulwasaraha Somalia Xamza Cabdi Barre ayaa la iskula soo qaaday arimo xasaasi ah halisna ku ah midnimada Somalia.

Safiirka Shiinaha waxaan xog ku helnay inuu Ra’iisulwasaare Xamza u sheegay in Israa’iil mar horaba saldhig milateri ka sameysatay Xeebaha Ber-bera meel ku dhaw Dekada.

Xogahaasj waxay tilmaamayaan in saldhiga laga sameeyay dhulka hoostiisa islamarkaana aqoonsiga ka horta bilo Howshaan si qarsoodi ab loo waday oo xitaa gantaalaha difaaca mar horaba Istaa’iil keensatay saldhiga Berbera.

Xogtu waxay intaasi ku dareysaa in Israa’iil qorsheyneyso howlgal ka dhan ah Xuutiyiinta Yeman iyo Iiraan oo ay dooneyso inay kaga duusho Somalia gaar ahaan saldhiga Berbara.

Howlgalka ka dhanka ah Xuutiyiinta waxay Yuhuudu ugu magacdartay howlgalkii Tooreyda ama baangada.

SAfiirka Shiinaha wuxuu tusay Xamza sawiro dayaxgacmeedkoodu qaaday oo cadeynaya saldhiga dhulka hoostisa iyo waliba maraakiib qalab Milateri u sida Israa’iil oo Dekada Ber-bera kadibna lagu daabulayo saldhiga cusub ee Yuhuuda.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA.DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -