Waxaa soo baxaya warar aanan wali xaqiiqo u helin oo sheegaya in Agaasimihii hore ee nabad sugidaa iyo sirdoonka qaranka C/laahi Maxamed Cali Sambaloolshe sharci ahaan lagu heysto kursigii xildhibaanimo ee dhawaan uu ka soo qaaray Jowhar oo ah xarunta Maamulka Hirshabelle oo ah deegaan doorashadiisa.
Wararku waxay tilmaamayaan in Sambaloolshe Dowladu u diiday aqoonsiga Xildhibaanimo iyadoo lagu eedeeyay inuu sifo sharci daro ah u marey,wararka eeda la xiriira ayaa lagu sii daray inuu adeegsaday ergo been abuur ah iyo waliba hanaan musuq maasuq lagu sheegay.
Warar kale ayaa sheegeya in gudiga doorashooyinka iyo Golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliyeedba ay ka horyimaadeen qaabka uu kursiga xildhibaanimo ku soo qaatay Sambaloolshe islamarkaana ay diideen in la dhaariyo madaama la isku hayo sharci ahaanshaha.
Sidoo kale warar aan iyana la xaqiijin ayaa sheegaya in qaar ka mid ah beesha uu ka soo jeedo Sambaloolshe gaar ahaan jufadiisa hoose ee Calio Madaxweyne ay laftigoodu ka soo horjeedaan kursiga reerka ee Sambaloolshe uu Jowhar ka soo qaatay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
