BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COm)-Saraakiil Milateri oo u dhashay Dalka Masar ayaa maanta la sheegayaa inay Muqdisho soo gaareen kadibna ay gaareen Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Geddo.
Saraakiishaan oo agu geeyay Balad-aawo diyaarado nuuca qumaatiga u kaca ayaa xogta aan heleyno waxay sheegeysaa inay Bala-xaawo u tagee sidii ay u qiimeyn lahaayeen meelaha ku haboon in ciidamo la dejiyo madaaama Masar dhawaan ciidamo keeneyso Somalia.
Ciidamada Masar ayaa qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinnta somalia ee loogu magac daray AUSSOM.
Waxaa aad loo hadal hayaa in Ciidamada Masar meelaha ay ka howlgeli doonaan ay ka mid yihiin Gobolka Gedo, oo ciidamada Itoobiyana dhinac ka joogaan xili xiririka labada dal uusan fiicnayn.
Safiirka Itoobiya ayaa ka hadlay hadal heynta ah in Ciidamada Masaarida ee imaanaya Somalia la geyn doono Gobolka Geddo oo xad la leh Itoobiya,wuxuu sheegay safiirka ineysan ka cabsaneyn imaanshiyaha Masaarida islamarkaana aysan kala jecleyn meeshii la doonayo in la dejiyo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

