MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya khilaaf u dhexeeya Ganacsatada iyo Dowlada Soomaaliya gaar ahaan wasaarada maaliyada inuu sababay in saaka shaqadii Dekada uu istaagay islamarkaana aysan jirin saaka wax degaya iyo dhoofaya.
Urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada una qaabilsan soo dejintas iy dhoofinta ay saaka sameeyay shaqo joojin kadib markii Dowladu dhawaa ku soo rogtay ganacsatada cansuur hoe leh oo ka badan intii hore islamarkaana waan waan la waday ay socon waysay.
Saaka waxaa gabi ahaanba meesha ka baxsaday dhaq dhaqaaqyadii sida caadiga ah mashquulka uga dhigi jirtay dekada kadib go’aanka ganacsatada oo ka cabanaya canshuru kordhinta iyagoo diidan inay bixiyaan .
Hay’adaha Dowlada ee qaabilsan arimahaan ayaa lagu wadaa inay faah-faahin ka bixiyaan shaqa joojinta laga soo sheegayo Dekada inkastoo wali aan laga quusan dadka u kala dab qaadaya labada dhinac taasoo keeni karta in shaqada isla maantana dib loo furo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ
