DAYNIILE.COM (DAYNIILE.COM)-Waxaa muran xooggan uu ka taagan yahay gudaha Garoonka diyaaradaha Adan Abdulle ee Magaalada Muqdisho kaasoo u dhexeeya shaqaalaha garoonka oo maanta sameeyay banaanbax weyn oo ay uga cabanayaan in shaqadii ay ka erisay Shirkada Turkida Favori  ee garoonka hagaajinta qandaraaska lagu siiyay.
Shaqaalaha waxay u cabanayaan masuliyinta Dowlada ee Garoonka sida maareeyaha iyo Wasiirka duulista hawada Somalia madaama ay soo baxday warar sheegaya in shaqaale ajaanib ah la doonayo inay ka howlgalaan garoonka madaama kuwii Soomaalida la eryay saaka.
Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in shirkada Turkidu lacag gaar ah ku siiso bishii Wasiirka Duulista haawada inuusan arimahaan soo faragelin sida nadaafad xumida ka jirta garoonka xili baraha bulshada lagu shaaciyay muqaal si qarsodi ah loo duubay oo muujinaya saxarada iyo kaadida musqulaha markey buuxsamaan in lagu daadiyo dhabaha garoonka ee diyaaraduhu maraan dhankoda ka degsan shamiitada.
Dhanka kale Soomaalida shirkada Favori erisay waxaa ka mid ah C/laahi Nuur Xassan oo ka mid ahaa masuuliyiinta wax baratay ee garoonka ka howlgalayay waxana lagu yaqaan howlkarnimo iyo aqoon durugsan uu u leeyahay howlaha duulimaadka, laakiin nasiib xumo shirkada ayaa ku dartay dadka badan ee ay maanta erisay lamana oga sida Dowladu ku aqbali doonto.
Ra’iisulwasaare Xamza oo hore u arkay musuq maasuqa ka socda garoonka iyo adeeg xumida islamarkaana hore digniin u bixiyay ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro garoonka madaama shaqadii garoonka ay xaniban tahay madaama shaqaalihii oo dhan hal mar la eryay.
XAFIISKA WARAKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
